”Junyarka lasii joog” – Gunners oo u jir xumaynaysa Alexis Sanchez + Sawirro

(London) 18 Jan 2018 – Wareegitaanka laacibka Alexis Sanchez ee kooxda Manchester United ayaa weji cusub qaatay kaddib markii laacibkan reer Chile laga cunay kooxda koowaad.

Garab-weerarkan ayaa lagu wadaa inuu ku biiro kooxda United waase heshiis uu dhanka kale ku imanayo Henrikh Mkhitaryan kaasoo aan weli la isku wada raacin.

Sanchez ayaa tababar u yimi London Colney balse waxaa lagu khasbay inuu la tababarto kooxda da’yarta Gunners, ka hor kulanka Sabtiga ay ku wajahayaan Crystal Palace.

Ilaa haatan Gunners oo ay la xiriirtey Sportsmail, si waadax ah ugamay hadal wareegista Sanchez ee Old Trafford oo 29-jirkan ula diyaar ah lacag dhan £450,000-todobaadkii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close