XOG: Antonio Conte oo si dhab ah uga fikiraya inuu dib ugu laabto xulka Talyaaniga

(London) 17 Jan 2018 – Macallin Antonio Conte ayaa la sheegayaa inuu si dhab ah uga baaraan degayo inuu dib ugu laabto xulka Talyaaniga kaddib xilligiisa Chelsea, sida ay wararku sheegayaan.

Macallinka ayaa qirtay inuu ka shallaayey go’aankii uu uga tegey xulka Talyaaniga ee Azzurri kaddib Euro 2016, oo uu uga dalsoorsaday naadigan Premier League, halkaasoo uu sanadkii 1-aadba horyaalka ku hantay, balse beryihii dambe xaalku ma deganeeyn, gaar ahaan waxaa la isku hayaa dhanka suuqa kala iibsiga oo uu Conte aaminsan yahay inaan loo hagar bixin.

Sida uu haatan dhigayo Tuttomercatoweb, Conte ayaa si dhab ah uga baaraan dega inuu ku noqdo xulka Nazionale ee Talyaaniga, kaasoo bilaa macallin ah kaddib cayrintii Giampiero Ventura oo ku guuldarraystay inuu xulka usoo saaro KA2018, taasoo aan dhicin muddo 60 sanadood ah.
Ilaa Juun ayaa la sheegayaa inaan la magacaabi doonin macallin cusub, taasoo ay ugu wacan tahay doorashada guddoonka FIGC – Italian Football Federation – taasoo lagu wado Jannaayo 29.

Waloow ay Paris Saint-Germain ay isha ku hayaan Conte, waxaa la sheegayaa in uu xiisaynayo dib u qabashada Azzurri si uu iskugu dayo Koobka Euro 2020.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close