RASMI: Theo Walcott oo ku biiray Everton (Lambarkee loo xiray?)

(Liverpool) 17 Jan 2018 Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay in Theo Walcott uu ku biiray kooxda Everton oo ku iibsatay lacag dhan 20 milyan oo Ginni.
Theo Walcott ayaa shalay ka gudbay tijaabada caafimaadka kooxda Everton, wuxuuna u saxiixay heshiis ku eg ilaa 2021.
28 jirka reer ingiriis ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub lambarka “11” kadib markii uu ka tagay Arsenal oo uu u xiran jiray lambar “14”.
Theo Walcott ayaa ku soo biiray Arsenal Janaayo 2006, wuxuuna kooxda la joogay 12-sano, wuxuu u saftay 397 kulan isaga oo u dhaliyay 108 gool.
Intii uu la joogay Arsenal wuxuu la qaaday 3 FA Cup iyo 3 Community Shield, wuxuuna ahaa laacibka waqtiga ugu badan u soo ciyaaray Arsenal marka lala barbardhigo ciyaartoyda haatan u ciyaara Gunners.
“Dhab ahaan waan ka murugaysanahay inaan ka tago Arsenal laakiin waan ku faraxsanahay tijaabadayda cusub ee Everton, waxaan u rajaynayaa iyaga (Arsenal) guul mustaqbalka” ayuu yiri Walcott.
Gool FM