Ogoow sababta Sanchez uu ku biirida Man City uga doorbidayo inuu ku biiro Man United?

(Manchester) 17 Jan 2018 Weerar yahanka reer Chile ee Alexis Sanchez ayaa qarka u saarnaa inuu ku biiro Manchester City bilowgii suuqa bishaan Janaayo.

Laakiin xaalka ayaa si lama filaan ah isku badalay, kadib markii ay loolanka soo gashay Manchester United oo durba laacibku uu la dhacay dalabkooda.

Image result for Sanchez United City

Manchester Evening News ayaa sheegtay in Alexis Sanchez uu ka walwalsanyahay siyaasada tababare Pep Guardiola ee ah is daba marinta ciyaartoyda oo marba mid la ciyaarsiinayo.

Pep Guardiola ayaa haysta dooqyo badan oo dhanka weerarka ah sida Aguero, Jesus, Sterling iyo Sane, taas oo ka dhigaysa Sanchez inuusan hubin inuu boos joogto ah ka heli karo kooxda City kulan walba.

Wuxuuna dareensan yahay weerar yahanka reer Chile inuu fursad aad u fiican ka heli karo kooxda tababare Jose Mourinho.

Laacibka ayaa wajigiisa laga dareemi karay carada ka muuqata marwalba oo uu badalo tababare Arsene Wenger, taas oo ku tusinaysa sida ay uga go’antahay inuu kulan walba ciyaaro 90-ka daqiiqo.

Alexis Sanchez ayaa haatan si wayn u doonaya inuu xirto maaliyada Manchester United maalmaha nagu soo aadan haddii la dhameeyo heshiiskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Close