BADBAADI GAROON BILYAN AH: Garoonka Chelsea oo lagusoo oogey dacwad la yaab leh!

Blues oo maxkamad lala koray!

(London) 17 Jan 2018 – Maamulka kooxda Chelsea ayaa haatan neefsan kara kaddib markii ay maxkamaddu ku gacan sayrtay dalab ka yimi qoyska Crosthwaites oo dacweeyay dhismaha cusub ee lagu casriyeeynayo garoonka Blues.

Naadigan reer London ayaa hal bilyan oo gini geliyay dib u qaabaynta garoonkeeda Stamford Bridge, waxaana Isniintii soo baxday ashtako ka timid qoys deris la ah garoonka.

Maamulka degmada Fulham Council ayaa arrintaa ka baaraan degey kaddib markii ay qoyskani ka cowdeen in dhimsaha cusub ee garoonkani uu gurigooda ”hareeynayo” ama qarinayo taasoo laga diidey.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close