Chelsea oo xoog kusoo gashay hardanka loogu jiro Emerson Palmieri

(London) 17 Jan 2018 – Chelsea ayaa xaqiijisay inay doonayaan dadabka bidix ee AS Roma Emerson Palmieri, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayay Juventus iyo Liverpool.

Sida uu faafinayo Sky Sport Italia iyo ninka u dhuun daloola suuqa Talyaaniga ee Gianluca Di Marzio, Antonio Conte ayaa isha ku haya ninka Talyaani-Brazilian-ka ah, waase tillaabo halis ah waayo Emerson hadda uun buu kasoo kabanayaa dhaawac gaarey Maajo 2017.

Haddii ay Roma doonayso inay fasaxdo qof ka tirsan laacibiinteeda bishan Jannaayo, wuxuu kaasi noqon karaa Emerson in ka badan Radja Nainggolan ama Kevin Strootman.

Waxaa lala xiriirinayay Liverpool iyo Juventus laacibkii hore ee Palermo, balse Chelsea ayaa dalab muhim ah samaysay 24-kii saacadood ee ugu dambeeysay, kaasoo ay u aragto mid uga rakhiisan Alex Sandro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close