AC Milan oo ka hadashay go’aankeeda u aaddan suuq-jiilaalka Jannaayo

Laacibiin lala xiriirinayo!

(Milano) 17 Jan 2018 – Kooxda AC Milan ayaa daboolka ka qaadday in aysan wax laacibiin ah lasoo wareegaynin kooxda Rossoneri si bay yiraahdeen ay isula qabsadaan laacibiintii badnaa ee ay xagaagii soo iibsadeen.

AC Milan ayaa lala xiriirinayay laba laacib oo German ah oo kala ah Julian Brandt iyo Kerem Demirbay, balse naadiga ayaa ka dhawaajiyay in aysan midna fasixi doonin 11-kii laacib ee ay soo iibsadeen suuq xagaagii.

“Dadku wax bay qiyaasi karaan waana qayb ciyaarta ka mid ah, gaar ahaan marka uu suuqu furan yahay, balse ma jiraan laacibiin aannu soo iibsanayno suuq jiilaalkan, si aannu u meelayno kuwii hore,” ayay Milan ku tiri war rasmi ah oo ay webkeeda ku qortay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close