XOG: Inter Milan oo horumar ka samaysay wadahadalka Rafinha

(Milano) 16 Jan 2018 – Inter Milan ayaa rajeeynaysa inay berri soo afjarto heshiiska Rafinha, iyadoo ay caqabadda qura ee haatan labada dhinac dhex taallaahi ay tahay in Barcelona laga dhaadhiciyo inay ogolaato inuu iibsigu dookh furan noqdo.

Sida uu dhigayo Sky Sport Italia oo ay la qabto Mediaset Premium, maareeyaha Inter Milan ee Piero Ausilio ayaa caawa ku hoyan doona Catalunya si uu wada xaajoodka usii amba qaado.

Laacibkan khadka dhexe ayaa aad ugu kulul inuu ku biiro kooxda San Siro, oo uu ka heli doono fursad uu ku dheelo, maaddaama uu dhaawac kasoo kabanayo, isagoo kulankiisii ugu dambeeyay dheeley Abriil 2017.

Caqabadda haatan taagani waa Barcelona oo doonaysa inay laacibka ku dhiibto amaah qallalan halka Inter ay doonayso in lagu daro ikhtiyaar ah in la iibsan karo, waxaa kaloo la isku hayaa qiimaha oo Blaugrana waxay ku qiimaysaa Rafinha ilaa €30m halka Nerazzurri ay dalbanayso in laga qaado €25m.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close