WEJI CUSUB: Kooxda Gunners oo Giroud & geniyaal badan ku goobaysa Pierre-Emerick Aubameyang

(London) 16 Jan 2018 – Sida ku qoran Daily Mirror, Arsenal ayaa wada xaajood kula jirta qannaaska Pierre-Emerick Aubameyang, oo xagaagii tegey aad loola xiriirinayay kooxda AC Milan, si uu ugu bedelo Alexis Sanchez, oo isna tillaabo u jira inuu ka tago.

Kooxda Gunners ayaa horraanba wada xaajood la bilowday kooxda Jaalle madoowga ee Borussia Dortmund, iyadoo ay wararku intaa ku darayaan inay xitaa diyaar u tahay inay Olivier Giroud iyo 35 milyan oo euro iskugu daraan kooxdaasi si ay u helaan Pierre-Emerick Aubameyang.

Warsidaha Evening standard, ayaa sidoo kale sheegaya in Alexis Sanchez uu ku wajahan yahay Manchester United, iyadoo weerarkan lagu qiimeeyo 53,3 milyan oo gini (qiyaastii 60 milyan oo euro), iyadoo wiilkan Gabonese-ka ihi uu Emirates stadium ka beddelayo laacibka reer Chile.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close