PSG oo u soo dhaqaaqeysa Ronaldo, balse hal SHURUUD!!!

(Europe) 16 Jan 2018. PSG ayaa u soo dhaqaaqi doonta Cristiano Ronaldo balse waa haddii ay Real Madrid fulineyso hal shardi.

Kooxda reer France ayaa dalab lacago badan ku kacaya ka soo gudbin doonta Ronaldo haddii uu Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez uu xaqiijiyo inay isaga hari doonaan is gaad gaadka ay ku hayaan Neymar sida uu warinayo warsidaha Don Balon.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in kabtanka xulka Portugal uu Los Blancos u caddeeyay inuu doonayo inuu ka tago Santiago Bernabeu balse ma aqbali doono inuu u dhaqaaqo horyaalada yar yar sida MLS ka dalka Mareykanka ama horyaalka Shiinaha.

Marka ay sheekadu halkaa joogto kooxo yar ayaa raboon doona inay dalab ka gudbiyaan Ronaldo, kaa oo dhawaan 33-jirsan doono.

Madaxwaynaha Camaaliqada reer Spain Florentino Perez ayaa la sheegayaa inuusan dooneyn inuu PSG kala shaqeeyo Shuruudan shakarka ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close