Ozil oo noqday laacibka 3-aad ee ugu kubbad abuurista badan Yurub…(Yaa ku jira kaalinta 1-aad?)

(Europe) 16 Jan 2018. Mesut Ozil ayaa noqday laacibka saddexaad ee ugu kubbad abuurista badan Shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub kal ciyaareedkan.

Kubbad qaabeeyaha Gunners ayaa isku cel celis abuuray kulankiiba 3.44 fursadood balse 29-jirka waxaa ka sii dhacaya qandaraaska uu ku joogo Emirates Stadium.

Ozil ayaa la filayaa in isaga iyo saaxiibkii Sanchez ay isaga dhaqaajiyaan Arsenal.  Manchester United ayaana la filayaa inay noqoto bar-dhammaadka labada laacib.

Yeelkeede, Tiro koobkan la soo saaray ayaa soo jeedinaya in Arsene Wenger ay tahay inuu cidiyaha ku dagaalamo sidii uu u sii xafidan lahaa xiddigiisa reer Jarmal.

Kaliya Neymar iyo Dimitri Payet ayaa ka fursado abuuris badan Ozil xilli ciyaareedkan 5-ta horyaal ee ugu waa wayn Yurub.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku jira labaad oo wuxuu kulankiiba abuuray fursado dhan 3.86, halka uu kaalinta koowaad ku jiro laacibkii hore ee West Ham ee iminka u safta Olympique de Marseille kaa oo kulankiiba abuuray fursado dhan (3.87).

Halka Hoose ka EEG xiddiga abuuray ilaa iminka xilli ciyaareedkan fursadaha ugu badan 5-ta horyaal ee ugu sarreeya Yurub:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close