Milkiilaha AC Milan Yonghong Li oo jawaab kulul ka bixiyay arrin lagu eedeeyay!

(Beijing) 16 Jan 2018 – Milkiilaha kooxda AC Milan ee Yonghong Li ayaa ka jawaabey warar beryahan la isla dhexmarayay oo isaga ku eedeeynayay in iibkii Milan loo adeegsadey qaab lacag lagula barmuudeeynayay.

“Maqaallada dhowaanahan lagu qoray warsidayaasha Talyaaniga ah ee ‘La Stampa’ iyo ‘Il Secolo XIX’, ee la xiriirta in baaritaan lagu sameeynayo qaabkii ay ku timid lacagtii Fininvest looga iibsadey ayaa ah arrin sharraxaad u baahan”. ayuu yiri Mr Li.

”Iibkii AC Milan wuxuu ahaa hannaan lagu sameeyay sida ugu daah furan ee addeecaysa xeerarka ugu saxsan, iyadoo ay talo ku lahaayeen qarreeno caalami ah, iyadoo la raacayo shuruucdii ka degsan arrimahan, waxaana dokumentiyada u wada dirnay dhamaanba hay’adaha ay khuseeyso.” ayuu raaciyay.

Mr Li ayaa sheegay in AC Milan S.pA., ay dhowaanahanba weerar kala kulmaysay warbaahinta qaarkeed oo olole ku qaadday iyagoo adeegsanaya xogo been abuur ah iyo marin habaabis, kuwaasoo uu ku sheegay arrin aan la aqbali karaynin.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close