ITALY VS ARGENTINA: Goorta & goobta ay ku dheelayaan xulalka Talyaaniga vs Argentina oo la shaaciyay!

Spain vs Argentina & England vs Italy oo kulmaya

(Manchester) 16 Jan 2018 – Xulka Talyaaniga ayaa ciyaar saaxiibtinimo Argentina kula ciyaaraya garoonka Etihad Stadium ee magaalada Manchester bisha Maarso 22 ama 23, sida lasoo werinayo.

Xulka Azzurri ayaa naxdin ka qaaday ka haritaanka KA2018, balse waxay ciyaari doonaan dhowr kulan oo saaxiibtinimo, waloow aysan weli macallin lahayn xulka Nazionale, waxaa se sii laylin doona macallinka xulka junyarka ee Gigi Di Biagio.

 

Sida uu faafinayo TyC Sports, ciyaarta Argentina ayaa loo qoodeeyay gegada Etihad Stadium, ee ay leedahay kooxda Manchester City, iyadoo uu qorshuhu yahay middood Jimce 23 Maarso, waloow ay FA-ga Argentine doonayaan in lasoo hormariyo oo laga dhigo Khamiis, Maaro 22.

Argentina ayaa sidoo kale Spain kula ballansan Wanda Metropolitano oo ah Madrid Talaado Maarso 27, halka isla maalintaas ay Azzurri ay England ku wajahayaan Wembley.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close