“Heshiiska Sanchez wuxuu ku xiranyahay Mkhitaryan” – Wakiil Mino Raiola oo ugu danbayntii hadlay

(Manchester) 16 Jan 2018 Wakiilka laacibka Manchester United ee Henrikh Mkhitaryan ayaa ugu danbayntii ka hadlay is jiid jiidka u dhexeeya kooxaha Arsenal iyo Manchester United.

Mino Raiola ayaa sheegay in dhamaystirka saxiixa Sanchez ee Man United uu ku xiranyahay in Henrikh Mkhitaryan uu ogolaado u dhaqaaqida Arsenal.

Image result for Raiola Mkhitaryan Sanchez

Ninka reer talyaani ayaa intaa ku daray in Mkhitaryan uusan wali gaarin wax go’aan ah, wuxuuna cadeeyay in laacibka reer Armenia uu dooran doono wixii isaga u roon, maadama aan la qasbi karin.

“Manchester United lama soo saxiixan doonto Sanchez ilaa inuu ogolaado Henrikh Mkhitaryan u dhaqaaqida Arsenal” ayuu yiri wakiil Raiola.

“Mkhitaryan wali go’aan ma qaadan, wuxuu sameyn doonaa wixii isaga u roon, heshiiskiisa United waxaa ka harsan 2-sano iyo bar, go’aankana isaga ayaa iska leh”.

“Sanchez wuxuu qayb ka yahay saxiixa Henrikh Mkhitaryan ee ma ahan caksigeeda” ayuu sii raaciyay Mino Raiola.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close