Antonio Conte oo ka hadlay wararka Chelsea la xiriirinaya Alexis Sanchez

(London) 16 Jan 2018 Tababaraha kooxda Chelsea oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Norwich City ayaa ka hadlay arimaha Alexis Sanchez.

Xalay ayaa la baahiyay in Chelsea ay kula soo biirtay Manchester United tartanka saxiixa weerar yahanka Arsenal ee Alexis Sanchez.

Image result for Sanchez Chelsea

Antonio Conte ayaa iska fogeeyay inuu ka hadlo arimaha suuqa kala iibsiga kooxdiisa, wuxuuna diiday xitaa inuu ra’yigiisa ka dhiibto.

Tababaraha reer talyaani ayaase meesha ka saaray in kooxdiisu ay u dhaqaaqayso saxiixa Sanchez, taas oo ka dhigan in United aysan la kulmi doonin tartan.

“Ma garanayo, ma u malaynayo taas, ma garanayo, laakiin uma malaynayo taas (inay dhacayso)” ayuu ku jawaabay Conte mar la waydiiyay in kooxdiisu ay la soo wareegayso Sanchez.

“Waxa ku saabsan suuqa kala iibsiga, waxaan doorbidayaa in lagala hadlo kooxda, sidoo kale inaan ka dhiibto ra’yigayga ma doonayo”.

“Markale ayaan ku celinayaa, ma doonayo inaan ra’yigayga ka dhiibto wax ku saabsan suuqa kala iibsiga” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close