Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

(Europe) 15 Jan 2018. Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib u furmay isagoona socon doona bishan oo idil, Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa lala saxiixday intaba insha’alaah.

Haddaba Aqriso wararka xanta ay saakay oo Isniin ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:

Arsenal ayaa dooneysay inay la soo saxiixato xiddiga qadka dhexe Manchester United ee reer Armenia Henrikh Mkhitaryan 28-jir si ay qeyb uga dhigto heshiis kasta oo weeraryahankeeda Sanchez 29-jir ugu biirayo Old Trafford. (Guardian)

Manchester City ayaa isaga baxday heshiiska lagula soo saxiixanayo Sanchez sababo la xiriirka mushaarka iyo lacagaha uu dalbanayo wakiilka laacibka. (Goal)

Arsenal ayaa shalay wada hadalo la yeelatay xiddiga qadka dhexe weerarka naadiga Bordeaux ee Malcom waxaana la filayaa inay 20-milyan ka bixiso 20-jirka reer Brazil. (Guardian)

Arsenal iyo Chelsea ayaa wada xiiseynaya 20-jirka reer Brazil ee weerarka kaga ciyaara Watford Richarlison. (Sun)

Swansea ayaa lacago rikoodh ka noqon doona kooxda 25-milyan ugu dhaqaaqeysa weeraryahanka Atletico Madrid Kevin Gameiro, 30-jir, laakiin waxay tartan kala kulmi doontaa kooxda reer Turki ee Fenerbahce. (Sun)

Macallinkii hore ee Norwich, Aston Villa, Blackburn iyo Wolves ee Paul Lambert, 48-jir ayaa u soo ifbaxay sida musharax xilka naadiga Stoke City. (Mail)

Chelsea ayaa weli dooneysa inay bishan janaayo la soo saxiixato weeraryahan, waxaana suuro gal ah inay heshiis amaah ah kula soo wareegto joog dheeraha reer England ee kooxda West Ham Andy Carroll 29-jir. (Telegraph)

Macallinka Chelsea Antonio Conte ayaan meesha ka saarin inuu qabto xilka xulka Talyaaniga markii labaad haddii uu ka tago kooxda ka arrimisa Stamford Bridge dhammaadka xilli ciyaareedka. (Express)

Manchester United ayaa u diyaar ah inay u gacan galiso 27-jirka reer Spain ee shabaqa u ilaaliya ee David de Gea heshiis kooxda ku sii heynaya inta ka harsan waayihiisa ciyaareed. (Mirror)

Xiddiga qadka dhexe ee PSG Lucas Moura, 25-jir ee lala xiriirinayay Manchester United ayaa sheegay in la joogo dhammaadka waayihiisa Paris isla markaana uu ka helo horyaalka Ingiriiska. (Express)

Crystal Palace ayaa rajeynaysa inay dhammeystirto heshiiska 15-ka milyan oo bound ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Senegal ee kooxda Fiorentina Khouma Babacar 25-jir. (Guardian)

Kooxda lagu naaneyso The Eagles ayaa sidoo kale ku jirta wada hadalo ay kula soo saxiixaneyso goolhayaha reer Polish ee naadiga Ipswich Bartosz Bialkowski. Kooxda ka ciyaarta Championship ayaa 30-jirkeeda ku dooneysa in ka badan 4 milyan. (Sun)

Borussia Dortmund ayaa ku sii dhawaaneysa inay ku dhawaaqdo saxiixa daafaca dhexe naadiga Basel iyo xulka Swiss ee Manuel Akanji 22-jir. (Ruhr Nachrichten)

Tababaraha Leicester City Claude Puel ayaa sheegay inuusan wax wal wal ah ka qabin in xiddiga reer Algeria Riyad Mahrez 26-jir uu kooxda ka tagayo bishan. (Leicester Mercury)

AC Milan ayaa sheegtay in xiddigeeda qadka dhexe ee reer Spain Suso aysan ku iibin doonin xitaa 80 milyan euros (71 milyan oo bound). (AC Milan website)

Saint-Etienne ayaa ku jirta wada hadalo ay kula soo saxiixaneyso 32-jirka reer France ee daafaca garabka Midig Arsenal Mathieu Debuchy. (TF1)

Inta badan kooxaha Premier League ayaa iska diiday fursad ay kula soo saxiixan kareen Maxamed Saalax 2.5 milyan oo bound ka hor inta uusan ku biirin Basel 2012. (Mail)

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close