Jeenyo oo  qandaraasyo ka saxiixatay dhowr ciyaaryahan uu qeyb ka yahay Agoogo

Jeenyo oo  qandaraasyo ka saxiixatay dhowr ciyaaryahan uu qeyb ka yahay Agoogo

(Muqdisho) 15 Jan 2018-Xarunta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya  ayaa waxaa ku sii qul qulaya ciyaaryahano iyo masuuliyiinta kooxaha heerka koowaad mahadaama uu dhawaan xirmi doono suuqa kala iibsiga.

Kooxda Jeenyo ayaa manta qandaraasyo rasmi ah ka saxiixatay dhowr ciyaaryahan oo uu hoggaaminayo Jookarkii Elman C/laahi Agoogo.

Xiddigaha ay heshiiska ka saxiixatay Jeenyo  ayaa waxaa ka mid ah dhowr ciyaaryahan oo ka soo dhex muuqday ciyaarihii maamul goboleedyada waxaana qeyb ka ah Pogba iyo Sahal oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo xiddiga Xamza oo u ciyaarayay Galmudug.

Sidoo kale naadiga Jeenyo ayaa ka saxiixatay C/laahi Agoogo oo ka yimid Elman,Saciid Mata oo u ciyaarayay Dekedda,Sahal oo Somali Fruit kabtan u ahaa  iyo Maslax oo Bariga Dhexe qeyb ka ahaa..

Jeenyo ayaa waxaa tababare u ah Axmed Gidaamoow,iyadoo kulanka ugu horeeya horyaalka ay wajihi doonto naadiga Savana oo lagu wado in magaca Petrolka ay ku ciyaarto.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close