Afar xiddig uu hoggaaminayo C/Casiis Catoosh oo heshiisyo isku mid ah u saxiixay Heegan

(Muqdisho) 15 Jan 2018.Kooxda Heegan ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah ula wareegtay afar xiddig oo ay horay heshiis shaqsi ula gaartay.

Xiddigahan ayaa qallinka ku duugay heshiis laba sanno ah, waxaana qandaraaskooda uu dhacayaa sanadka 2020-ka.

Ciyaaryahanada ay  kooxda ciidanka Booliska heshiiska rasmiga ah ka saxiixatay ayaa kala ah C/Casiis Catoosh oo ka yimid Dekedda,Xasan Siidoow oo isna ka tirsanaa Dekedda, Nayanzi Ronaldo  oo Elman qeyb ka ahaa iyo xiddiga Samsom oo horay Heegan ugu tirsanaa.

Xoghayaha naadiga Heegan Maxamed C/qaadir Maaw ayaa Gool FM  u sheegay in manta ay si rasmi ah kooxda ula wareegtay afar xiddig kuwaas naadiga horay ula gaartay heshiis shaqsi ah.

Maxamed Maaw ayaa sidoo kale sheegay in maalinta bari ah ay kooxda ka saxiixi doonto xiddigaha Babaay,Xasan Suarez iyo goolhaye Mustaf Nakuuja.

Heegan ayaa waxaa ka tagay ciyaaryahano kala duwan oo ay qeyb ka yihiin Deeq Aaryo,Mahad Saha iyo goolhaye Karaam, kuwaas oo ku biiray kooxaha kala duwan ee dalkeena ka ciyaara.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close