RASMI: Lisandro Ezequiel Lopez oo ku biiray kooxda Inter Milan + Sawirro & Muuqaal

(Milano) 15 Jannaayo 2018 – Inter Milan ayaa xaqiijisay inay si rasmi ah ula wareegtey laacibka Lisandro Lopez, oo ay qaab amaah uga soo qaateen Benfica iyagoo leh ikhtiyaar ay ku wada iibsadaan.

Laacibkan dambeedka dhexe ayaa saaka caafimaadka u maray Nerazzurri, kahor intaanu isla galabtaba aamu ku biirin tababarka kooxdan, iyadoo imaanshihiisa haatan la xaqiijiyay.

“Inter waxay soo heshay laacib cusub waana Lisandro Ezequiel Lopez. Daafacan reer Argentine ayaa ku yimi heshiis amaah ah oo ku eg 30 Juun 2018 (kaasoo rasmi laga dhigi karo),” ayuu u akhrismayay war lasoo dhigay bogga kooxda Beneamata.

Lopez ayaa doortay lambarka 2-aad oo uu u qaadan doono kooxdiisa cusub ee Inter.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close