RASMI:  Axmed Macaani oo ku biiray kooxda Elman

RASMI:  Axmed Macaani oo ku biiray kooxda Elman

(Muqdisho) 15 Jan 2018.Xiddigii hore ee Dekedda Axmed Xasan Macaani ayaa si rasmi ah ugu  biiray naadiga Elman oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Ciyaaryahankaan ayaa maalmihii la soo dhaafay qeyb ka ahaa kooxda ciidanka Booliska ee Heegan, ha yeeshee shalay ayuu si rasmi ah ugu mid noqday Elman.

Kubad bur buriyihii hore ee kooxda Saxafi FC  ayaa qallinka ugu duugay naadiga Elman  heshiis laba sanno ah, kaasoo ku eg sanadka 2020-ka.

Macaani oo ka hadlay ku biirista kooxda Elman ayaa yiri ” Waan ku faraxsanahay in aan ka mid noqdo Elman, waa koox magac weyn oo uu ciyaaryahan walba ku riyoodo.

“In aan mar kale la midoobo macallinkeyga Cabdi Joon ayaa ah dareen kale oo farxad wata ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Xasan Macaani.

Xiddigan ayaa Dekedda kula guuleystay horyaalka Soomaaliya xilli ciyaareedkii aynu soo dhaafnay,waxaana xusid mudan in dhawaan uu kasoo kabsaday dhaawac jab ah oo kasoo gaaray lugta Midig.

Sikastaba Ku biiristaMacaani ee kooxda Elman ayaa kusoo aadeysa xilli kooxda uu dhawaan safar ka aaday xiddiga khadka dhexe ee Ciise Minhaj,waxaana Macaani kooxdiisa cusub uu  u xiran doono lambarka 14’aad,waxaana ku biirista Elman.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close