Sanchez oo fashiliyay qorshihii suuqa kala iibsiga ee tababare Jose Mourinho (Sidee?)

Ku soo biirida Sanchez ee Man United oo daaqada ka saari doonta ciyaartoy dhawr ah oo diirada u saaran haatan tababare Jose Mourinho.

(Manchester) 14 Jan 2018 Weerar yahanka Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa fashiliyay qorshihii dhanka suuqa kala iibsiga ee tababare Jose Mourinho.

Dhamaadka isbuucii hore ayeey Manchester United soo gashay tartanka saxiixa Alexis Sanchez, taas oo qasabtay in Man City oo horay u doonaysa laacibka ay isaga baxdo wadahadaladii ay kula jirtay Arsenal.

Image result for Griezmann Bale

Express ayaa daaha ka qaaday in haddii Sanchez uu u soo dhaqaaqo Old Trafford ay ka dhigantahay in liiska tababare Mourinho ee dhanka suuqa ay ka baxayaan ciyaartoy dhawr ah.

Kooxda ayaa iska dhaafi doonta u dhaqaaqida Antoine Griezmann iyo Gareth Bale haddii suuqa Janaayo ay ku guulaysato saxiixa Alexis Sanchez oo haatan ay aad ugu dhawdahay.

Manchester United ayaa ka dhigaysa Sanchez laacibka ugu mushaarka badan horyaalka ingiriiska, waxayna siinayaan isbuucii 350 kun oo Ginni, sidoo kale kooxda ayaa 30 milyan oo Ginni siinaysa Arsenal.

Ku soo biirida Sanchez ee Man United ayaa wax badan ka badali doonta qorshaha dhanka suuqa uu u dajiyay tababare Jose Mourinho.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close