Real Madrid oo isku daraysa lacag iyo Cristiano Ronaldo si ay u hesho Neymar

Perez oo u gudbinaya PSG lacag iyo Ronaldo si uu u soo xerogaliyo Neymar.

(Madrid) 14 Jan 2018 Madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa dajiyay qorshihii uu ku soo xerogalin lahaa laacibka reer Brazil ee Neymar.

Idaacada Cadena SER ayaa daaha ka qaaday in Perez ay ka go’antahay inuu soo xerogaliyo Neymar marka uu dhamaado koobka adduunka ee 2018.

Image result for Ronaldo Neymar

Madaxwaynaha Real Madrid ayaa doonaya inuu u gudbiyo PSG lacag badan iyo walibka Cristiano Ronaldo, si ay u soo dhiibto wiilka reer Brazil ee Neymar.

Florentino Perez ayaa goor hore soo muujiyay sida uu u doonayo saxiixa Neymar kadib markii uu sheegay inuu ku guulaysanayo Ballon d’Or haddii uu yimaado Real Madrid.

Dhanka kale, milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa isna horay u sheegay inaysan suurogal ahayn in Neymar uu u dhaqaaqo Real Madrid.

Labada kooxood ayaa isku arki doona wareega 16-ka ee koobka horyaaada yurub bisha nagu soo aadan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close