MA MADAXWAYNAA????: Soo dhaweyntii Arda Turan oo qalalaaso abuurtay…(Booliska oo…)

(Istanbul) 14 Jan 2018. Booliska dalka Turkiga ayaa gaaray heer ay isticmaalaan Gaaska wax ka ilmeysiiya si ay u xakameeyaan taageerayaasha xamaasadeysan ee naadiga Istanbul Basaksehir kuwaa oo soo dhaweynayay saxiixooda cusub ee Arda Turan.
Xiddiga qadka dhexe ee reer Turki ayaa lagu wadaa inuu dhammeystiro heshiiska uu ugu soo biirayo horyaalka Super Lig kaddib markii ay heshiis la gaareen kooxda Barcelona.
Taageerayaal badan ayaa isugu yimid garoonka Ataturk airport si ay u soo dhaweeyaan Turan, waxayna isku dheceen Booliska iyagoo ku dagaalamayay si ay u arkaan geesigooda cusub.
Booliska ayaa isticmaalay Gaaska wax ka ilmeysiiya, mid ka mid ah taageerayaasha ayaana ku qeylinayay: “War innagu argagixiso ma nihin ee taageerayaal uun baan nahay.”.
SAWIRRO:
Gool FM.