“Kooxda ayaan lagu soo darin laacib kaan” – Messi oo si xoogan uga horyimid saxiix wayn oo Barcelona ay doonayso

Messi oo dalab macquul ah u gudbiyay maamulka Barcelona.

(Barcelona) 14 Jan 2018 Lionel Messi ayaa si wayn uga horyimid saxiix kooxdu ay doonayso inay dhamaystirto dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Laacibka reer Argentina ayaa gabi ahaanba diiday in Barcelona ay la soo saxiixato weerar yahanka reer France ee Antoine Griezmann sida ay baahisay Defense Central.

Messi ayaa u arka in Paulo Dybala uu ka mudanyahay in kooxdu ay xooga saarto saxiixiisa, halkii ay u dhaqaaqi lahayd Antoine Griezmann.

Lionel ayaa ka cabsi qaba in Antoine Griezmann uu halis galiyo booska Luis Suarez kaas oo saaxiibo isku dhaw ay yihiin, wuxuuna u arkaa in kooxdu ay la soo saxiixato Dybala kaas oo awooda inuu ka ciyaaro boosas badan.

Dhanka kale, Paulo Dybala ayaa ogolaaday qorshaha Messi ee ah inuu u soo dhaqaaqo Camp Nou, xili ay si wayn isku haayaan tababaraha Juventus ee Allegri.

Barcelona ayaa u baahan inay bixiso lacag ka badan 120 milyan oo euro, si ay ugu qanciso Juventus iibka Paulo Dybala dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close