Inter oo u duulaysa Barcelona si ay u hesho Rafinha

Heshiis la gaari karo!

(Milano) 14 Jan 2018 – Waxaa lasoo werinayaa in maareeyaha suuqa ugu qaybsan kooxda Inter ee Piero Ausilio uu ku wajahan yahay magaalada Barcelona oo uu kala xaajoon doono Rafinha.

Laacibkan reer Brazil ee khadka dhexe ayaa waxaa si wayn loola xiriirinayay kooxda San Siro tan iyo furankii suuq-jiilaalkan Jannaayo, balse waloow ay caqabado jiraan, wuxuu Gazzetta dello Sport ku kalsoon yahay inuu heshiis dhici doono.

Warsidaha ayaa qoraya in kooxda Catalan-ku u diyaar tahay inay 24-jirkan marka hore amaah ku bixiso, balse waxay dalbanaysaa lacag ka badan €23m oo ay Inter soo bandhigtay inay xagaaga ku iibsan doonto.

Waxaa sii dheer Nerazzurri, oo doonaysa in iibsiga aan khasab laga dhigin, iyagoo ka welwelsan dhaawaciisa soo noqnoqda, balse maaddaama uu duulay Ausilio waxay u badan tahay in si uun lagu dhameeyo arrinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close