Daafaca ugu qaalisan adduunka Virgil van Dijk oo seegaya kulanka caawa ee Manchester City

(England) 14 Jan 2018. Virgil van Dijk ayaa la warinayaa inuu dhaawac ku seegi karo kulanka caawa fiidkii ay Liverpool Anfield ku soo dhaweyneyso Manchester City.

Liverpool Echo ayaa warinaya in daafaca ku kacaya 75 milyan oo bound uu qabo dhibaato bowdada ah, Tababare Jurgen Klopp ayaana khatar galin doonin xiddigiisa dhawaan galka ah.

Haddii uu daafaca reer Holland seego kulanka fiidkii, Dejan Lovren ayay u badan tahay inuu ku soo bilowdo daafaca dhexe ee Reds.

 Jurgen Klopp will not risk Virgil van Dijk if he is injured

Dhaawaca suuro galka ah ee van Dijk ayaa dhabar jab wayn ku ah kooxda marti galiyayaasha maadaama ay doonayaan inay soo afjaraan guul darro la’aanta hogaamiyayaasha Premier League.

Wuxuu ku raaxeystay kulankiisii ugu horreeyay ee Reds kaddib markii uu goolka guusha u dhaliyay kulankii Merseyside Derby ay ka adkaadeen Everton kaa oo ay ugu gudbeen wareega 4-aad ee FA Cup.

Laakiin waxay iminka u muuqataa inaan khatar la galin doonin maadaama wajiga labaad ee horyaalka uu dhib badan yahay.

Liverpool ayaa 5-0 lagu soo ihaaneystay kulankii lagu soo ciyaaray Etihad ee bishii September, laakiin waxaa iminka dhiiro galinaya in City aysan ku soo adkaan Anfield muddo 15-sano ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close