Chelsea oo badalka Michy Batshuayi ka raadinaysa Barcelona (Yeey diirada saaratay?)

Blues oo u dhaqaaqaysa Denis Suarez si ay ugu buuxiso booska la filayo inuu baneeyo Michy Batshuayi.

(London) 14 Jan 2018 Chelsea ayaa baadi goob u gashay badalka weerar yahanka reer Belgium ee Michy Batshuayi kaas oo ku fashilmay inuu boos ka helo kooxdiisa.

Sida ay baahisay Daily Star, Chelsea ayaa si dhab ah ugu fikiraysa inay u dhaqaaqdo soo xerogalinta Denis Suarez, si ay ugu buuxiso booska Michy Batshuayi.

Weerar yahanka reer Belgium ayaa qorshaynaya inuu ka tago Blues bishaan Janaayo, si uu ugu biiro koox uu ka heli karo boos joogto ah.

Michy Batshuayi ayaa ka baqaya inuu halis galo booskiisa koobka adduunka ee 2018 haddii uu la sii joogo Chelsea inta ka harsan xiliciyaareed kaan.

Blues ayaana badalkiisa durba diirada saaratay, waxayna u arkeen Denis Suarez kaas oo qudhiisu ku dhiban inuu boos joogto ah ka helo kooxda tababare Valverde.

24 jirka reer Spain ayaa u qaab ciyaareed eg Pedro, Willian iyo Eden Hazard, tababare Conte ayaa doonaya inuu ku xoojiyo weerarka kooxdiisa maadama uu yahay laacib si wayn u caawin kara Alvaro Morata iyo waliba ciyaartoyda kale ee kula jira garoonka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close