Bournemouth oo Balaayo ku dhigtay Arsenal….+SAWIRRO

(England) 14 Jan 2018. Bournemouth ayaa beerka uga dhacday Arsenal oo ay ku martay 2-1, xilli safka kooxda laga reebay xiddiga aan cagaha badan ku taagneyn ee Alexis Sanchez.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-0.

Balse markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Arsenal ayaa goolka furitaanka ciyaarta la timid oo waxaa u saxiixay daafacooda garabka kaga duula ee Hector Bellerin kaddib markii uu orod ku doontay baas uu soo dhigay Alex Iwobi.

Laakiin Arsenal ayaa laga soo guday goolka isla markaana loo saariyay.

Callum Wilson ayaa bar bareeyay Gunners daqiiqadii 70-aad, afar daqiiqo uun kaddib waxaa goolka u saariyay xiddigii Liverpool ee Jordon Ibe.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close