Baartitaan ku socda Berlusconi iyo iibkii Milan oo ay sheeko ka soo cusboonaatay

(Milan) 14 Jan 2018. Sida laga soo xiganayo jariiradaha La Stampa iyo Secolo, Silvio Berlusconi waxaa lagu wadaa baaritaan la xiriira in uu is dabamariyey lacag markii uu Milan ka iibinayey Yonghong Li.

Wadaxaajoodka bilooyin ayey jiitameen kahor inta aan si rasmi ah loo kala iibsan bishii April 2017.

Rossoneri deymo badan ayaa lagu lagaa lacagaha lagu iibsaday guud ahaanna waa €720m.

Jariiradaha Stampa and Secolo XIX newspapers waxa ay sheegayaan in Milan lagu iibiyey lacag €300m ka bada inta qiimaha saxda ah yahay ee kooxda.

Waxaa hadda lagu warramayaa In baaritaan arintaas la xiriirta lagu furay Berlusconi shirkaddiisa Fininvest group iyo  Yonghong Li.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close