Yerry Mina oo si rasmi ah u saxiixay heshiiska uu ugu biiray Barcelona +SAWIRRO

Yerry Mina ayaa qalinka ugu duugay Barcelona heshiis 5-sano iyo bar ah.

(Barcelona) 13 Jan 2018 Daafaca reer Colombia ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska uu ugu biiray kooxdiisa cusub ee Barcelona.

Yerry Mina ayaa qalinka ugu duugay Barcelona heshiis 5-sano iyo bar ah oo uu ka ciyaari doono garoonka Camp Nou.

23 jirkaan ayaa noqonaya laacibkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Colombia ee u ciyaara Barcelona sida uu xaqiijiyay madaxwaynaha Barca.

“Muddo dheer ayaan la soconay xaalka Yerry Mina, xaggaagii ayaan isku daynay saxiixiisa, waan ku guul daraysanay, haatana waa laacibkeena” ayuu yiri madaxwaynaha Barcelona heshiis saxiixida kadib.

“Yerry Mina wax badan ayuu noo qabanayaa, waa xirfadle waana laacibkii ugu horeeyay taariikhda ee Colombian ah ee u ciyaara Barcelona, waxaan ku soo dhawaynaynaa qoyska Blaugrana”.

Daafaca reer Colombia oo dhankiisa hadlay ayaa yiri:

“Waan ku faraxsanahay inaan joogo halkaan, ilaaheey ayaan uga mahadcelinayaa fursadaan uu i siiyay, waxaan u mahadcelinayaa madaxwaynaha Barcelona iyo waliba qoyskeyga, waxay ahayd riyo waana ii rumowday”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close