YAAB: Hal Qoys ayaa hortaagan in la dhiso Garoonka Chelsea….SABAB????

(London) 13 Jan 2018. Hal qoys ayaa laf dhuun gashay ku noqotay hannaankii lagu dhishi lahaa garoonka cusub ee naadiga Chelsea.

Qoyskan madaxa adag ayaa la warinayaa inay dalbayaan lacago Magdhow ah oo dhan 20 milyan oo bound.

Nicolas Crosthwaite, 69-jir oo ah howl gab bank ka shaqeyn jiray ayaa doonaya in beeso faraqa loogu shubo waayo dhismaha cusub ee Chelsea wuxuu ka qarinayaa ama kaga aadayaa Iftiinka iyo Qoraxda.

Waxaa la warinayaa in xaaska Nicolas Lucinda, 59-jir iyo caruurtiisa Rose 25-jir,Louis, 23 -jir loo soo bandhigay 1 Milyan oo bound, si ay u socoto howsha dhismaha garoonka Chelsea.

Laakiin waxaa la sheegay inay ku gacan seyreen iyagoona dalbaya adduun dhan 20-milyan oo bound.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa la sheegay inuu furka ku tuuray maamulka sare markii uu qoysku soo diiday dalabka kooxda.

Haddii heshiis laga gaari waayo is mari waagan, waxay carqalad ku noqon kartaa in la furo waqtigii loogu tala galay qorshaha garoonka cusub lagu dhisayo 2023-24 kaa oo ku kacaya 10ka Bilyan.

Nicholas ayaa gurigiisa ku kacaya 4-milyna deganaa 50-sano, waxaana la warinayaa in gabadhiisa Rose qoraal ay u dirtay Dowladda hoose ay ku wargilisay in shan qol oo ka mid ah gurigooda Dobaqa ah ay Qoraxda ka qarsoomi karto haddii la hirgaliyo dhismaha cusub ee Garoonka Chelsea.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close