Tottenham oo ka hortimid wararka Harry Kane la xiriirinaya Real Madrid

Tababaraha Tottenham ayaa sheegay in kooxdiisu aysan iska fasixi doonin ciyaartoydeeda ugu fiican oo uu ku jiro Harry Kane

(London) 13 Jan 2018 Mauricio Pochettino ayaa niyada u qaboojiyay taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu sheegay in Harry Kane aan laga iibin doonin Real Madrid.

Wuxuu sheegay inuu ku kalsoonyahay hadalka madaxwaynaha Tottenham kaas oo horay u sheegay in kooxdu aysan iska iibin doonin ciyaartoydeeda xitaa haddii lagu soo dalbado lacag badan.

Waxaa la filayaa in Real Madrid ay ka soo gudbiso Harry Kane dhamaadka xiliciyaareed kaan dalab gaaraya ilaa 200 kun oo Ginni, waxayna diyaar u tahay inay ka dhigto laacibka ugu qaalisan adduunka.

Laakiin Mauricio Pochettino oo ka soo horjeeda in taasi ay dhacdo ayaa yiri:

“Waxaan taageerayaa hadalka madaxwaynaha Tottenham, kaas oo ah inaysan jirin koox doonaysa inay iska dirto ciyaartoydeeda ugu wanaagsan, waxaan doonaynaa inaan guulo gaarno”.

“Si buuxda ayaan ugu kalsoonahay hadalka madaxwaynaha, waa shaqsi marwalba oofiya balantiisa, haddii uu yiri ma jirto ciyaaryahan aan iibinayno, ma jirto dhibaato kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close