RASMI: Arda Turan oo ka tagay Barcelona

Arda Turan ayaa amaah laba xiliciyaareed iyo bar ah ugu wareegay kooxda Istanbul Basaksehir

(Istanbul) 13 Jan 2018 Laacibka reer Turkey ee Arda Turan ayaa ka tagay kooxda Barcelona isaga oo dib ugu laabtay dalkiisa hooyo.

Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in Arda Turan uu amaah ugu wareegay kooxda dalkiisa ka dhisan ee Istanbul Basaksehir FK.

Arda Turan ayaa amaah laba xiliciyaareed iyo bar ah ugu wareegay kooxda Basaksehir FK, waxaana heshiiska qayb ka ah in kooxda reer Turkey ay wada iibsan karto haddii uu la qabsado.

30 jirkaan ayaa la filayaa inuu maanta gaaro Istanbul i uu u maro tijaabada caafimaadka isla markaana uu ugu biiro kooxdiisa cusub ee Basaksehir FK.

Kooxda reer Turkey ayaa ku soo qortay barteeda Twitter-ka: “Arda maanta ayuu dib ugu soo laabanayaa dalkiisa, si uu u xirto funaanada u eg burtuqaalka”.

Arda ayaa ku fashilmay inuu boos ka helo Barcelona tan iyo markii uu kooxda la wareegay tababare Valverde kaas oo go’aansaday inuu ka diro kooxda.

Turan ayaa u ciyaaray Barcelona 55-kulan, wuxuu u dhaliyay 15-gool, wuxuuna la qaaday 6-koob.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close