Man City oo dooneysa Fred

(Manchester) 13 Jan 2017. Waxaa la soo warinayaa in Manchester City ay dooneyso £45m in ay kula soo wareegtay khadka dhexe Shakhtar Dontesk ee Fred.
Bilowgii toddobaadkan waxa uu Pep Guardiola maamulka City ku amray in ay £30m kula soo wareegaan Brazilian-ka.
Sida laga soo xiganayo Manchester Evening News, City waxa ay dooneysaa badalka mustaqbalka fog ee Fernandinho.
32 jirka door weyn ayuu ku leeyahay qaab ciyaareedkan wacan ee hogaamiyeyaasha Premier League-ga balse Guardiola waxa uu wal wal ka qabaa tirade kulamada ee uu dheeli karo.
Waxaa la qabaa in Shakhtar dooneyso qiimo ka badan inta City soo bandhigtay.
Gool FM.