Jadwalka Horyaalka Somalia Primier League oo la soo saaray ’ Heegan Vs Elman, Banaadir Vs Horseed

(Muqdisho) 13 Jan 2018. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa si hor dhac ah u soo saaray jadwalka wareega koowaad ee horyaalka Somalia Premier League.

Inkastoo jadwalka aysan ku xusneyn taariikhda uu sida rasmiga ah u furmi doono iyo maalmaha la ciyaarayo hadana kullamada koowaad ayaa ah kuwa aad u adag.

Horyaalka ayaa lagu furi doonaa kooxaha Waxool iyo Dekedda oo ka mid ah naadiyada heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Waxool ayaa ka bad baaday in ay dib ugu laabato heerka labaad,halka Dekedda ay tahay naadiga difaacaneysa horyaalka.

Kooxaha hoos yimaada ciidamada Booliska iyo Militariga ee Horseed iyo Heegan ayaa kullamo adag ku billaaban doono iyagoo kala wajihi doono Elman iyo Banaadir.

Labada kooxood ee la qorsheynayo in magac ahaan loo badelo Madbacadda iyo Petrolka ee Savaana iyo FC Banaadir ayaa waxa ay la ciyaari doonaan Jeenyo iyo Gaadiidka.

Kullamada ugu adag ayaa ah kuwa dhex mari doono Heegan iyo Elman,iyo si la mid ah Horseed iyo Banaadir.

Waxaa la rajeenayaa in maalmaha soo aadan uu si rami ah u soo baxo jadwalka guud ee horyaalka,kaasoo ku cad taariikhda, maalinta iyo garoonka lagu ciyaari doono.

Kulamada koowaad 

Waxool Vs Dekedda

Savaana Vs Gaadiidka

Heegan Vs Elman

FC:Banaadir s Jeenyo

Horseed Vs Banaadir

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close