Haddii Sanchez heshiis shaqsiyadeed la gaaray sida la qabo Man United waa sidee dareenka Wenger ee Ozil?

(London) 13 Jan 2018. Arsenal tababareheeda Arsene Wenger waxa uu sheegay in uusan ka rajo dhigin Mezut Ozil in uu sii joogo Emirates.

Ozil 6 bilood wax ka yar ayaa uga harsan qandaraaska uu kula jiro Gunners waxaana ku raad joogyo kooxo badan oo reer Europe ah.

Manchester United iyo Juventus ayaa banaanka soo dhigay xiisaha ay  u qabaan saxiixa Jaralka balse Wener waxa uu sheegay in uu ku rajaweyn yahay joogidda laacibka.

The Telegraph waxa ay ka soo xigatay: “Aad ayey u nooshay oo Gunners wali waxa ay haysataa fursad ay ku haysan karto Kubadd abuuraha.

Hase ahaatee, Arsenal waxa aysan fursad u haysan celinta Alexis Sanchez oo laga sheegay in uu heshiis shaqsiyadeed la galay Mancehster United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close