“Waa ku baryaa ha Ciyaarsiinin midkan.” Ronaldo oo codsi YAAB leh u gudbiyay Zidane!!

(Madrid) 12 Jan 2018. Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa inuu Tababare Zidane ka baryay/tuugay in Isco uusan ku soo badelin booska uu dhaawaca uga maqan yahay Karim Benzema.

Real Madrid ayaa u dul qaadaneysa xilli ciyaareed adag iyadoona kaalinta 4-aad fadhisa xilli ay 16 dhibcood ka hooseeyaan kooxda ay coltamaan ee Real Madrid.

Mid ka mid ah sababaha jabka u keenay Madrid ayaa waxay tahay inuu hoos u dhacay bandhiga shaqsi ahaaneed ee xiddigaha waa wayn ee kooxda.

Dhaawaca Benzema ayaa Zidane siyay fursad uu ku badelo Taak tikadiisa si uu isagu dayo inuu toodii ugu wacneyd ka helo xiddigaha Magaca wayn ee kooxda.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Spain ayaa tibaaxaya in Ronaldo uu ka soo horjeedo in Isco lagu soo daro safka hore.

Sida uu sheegayo warsidaha Diario Gol, Ronaldo ayaa waydiistay Zidane in Booska Benzema uusan ka ciyaarsiin Isco.

Xiddiga reer Portugal ayaa aaminsan in da’yarka reer Spain uu si aad ah hoos ugu dhigayo kooxda maadaana ay kubbad kasta isaga soo mareyso.

Marco Asensio ayuuna doorbidayaa Ronaldo in lagu soo badelo booska Benzema.

Diario Gol ayaa sidoo kale warineysa in CR7 uu hadda ka hor sidan oo kale Zidane uga codsday inaan la ciyaarsiin Isco, markaana Real Madrid waxay 5-0 uga adkaatay Sevilla xilli ay ku ciyaarayeen Bernabeu.

Waxa la sugaba waa in la arko haddii uu Zidane qaato codsiga uga yimid Ronaldo.

Real Madrid ayaa dib u ciyaari doonta La Liga Axada soo socota kolkaa ay soo dhaweynayaan Villarreal.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *