Wax ka baro 10-Xaqiiqooyin oo ku aadan Saxiixa Cusub ee Barcelona Yerry Mina

10

(Spain) 11 Jan 2018. Barcelona ayaa gacanta ku soo dhigtay daafaca reer Colombia ee Yerry Mina kaa oo ay kala soo baxday adduun dhan 10-milyan.

Waxaa lagu wadaa inuu xiran doono Lambarka 24-aad uu ka tagay Jeremy Mathieu oo ku biiray Sporting Lisbon suuqii xagaaga.

Haddaba waxaan halkan kugu heynaa 10-waxyaabood oo kaa Yaabin doonta oo ku aadan Saxiixa Cusub ee Barcelona:

1.Wuxuu noqon doonaa Colombian kii ugu horreeyay ee u ciyaara Barcelona:

Yurry Mina wuxuu noqon doonaa laacibkii ugu horreeyay ee reer Colombia oo kulan Rasmi ah u ciyaara FC Barcelona.

Lauro Mosquera ayaa kulan saaxiibtinimo u ciyaaray Barca kolkaa ay ku wajahday Sabadell 24-kii June 1964 balse kooxda ma uusan sii joogin.

2. Waxay isku Jiil yihiin Denis Suárez:

Wiilka reer Colombia ayaa sanadkii (1994) waxay wada dhasheen Denis Suárez. Xiddiga qadka dhexe ee Blaugrana ayaa dhashay 6-dii Janaayo ee 1994 halka Mina uu dhashay 23-kii September ee isla sanadkaas.

3. Kulankiisii ugu horreeyay ee xulka Colombia:

Mina ayaa kulankiisii ugu horreeyay oo rasmi ah u saftay xulkiisa 6-dii Oktoobar 2016, wuxuuna goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyay 11-kii Oktoobar kulan ay bar baro 2-2 la galeen Uruguay.

4. Wuxuu noqday laacibka ugu DHEER Barcelona:

Daafaca dhexe ayaa noqday laacibkii ugu dheeraa Barcelona 1.95m kaddib Piqué (1.94m), Sergio (1.89m) iyo Andre Gomes (1.88m).

5. Wuxuu noqday laacibkii 10-aad ee reer Colombia ee iminka ku sugan La Liga:

Yerry Mina ayaa noqday laacibka 10-aad ee waqti xaadirkan ka xamaasha La Liga kaddib Carlos Bacca (Villarreal), Juanjo Narváez (Real Betis), Luis Muriel (Seville), Daniel Torres (Alavés), Jefferson Lerma (Levante), Jeison Murillo (Valencia) and Bernardo Espinosa, Johan Mojica iyo Marlos Moreno (Girona).

6. Afar Lambar oo kala duwan ayuu xirtay Waayihiisa ciyaareed ilaa iminka:

Mina wuxuu xirtay afar Lambar oo kala duwan waayihiisa ciyaareed.

No.3 uu u xirtay Deportivo Pasto, No.26 Independiente Santa Fe and Palmeiras, sidoo kale No.13 iyo No.16 ayuu u xirtay xulka qaranka Colombia.

7. Wuxuu leeyahay Urur Samafal ah:

Laacibku wuxuu leeyahay Mashruuc samafal ah kaa oo dabayaaqadii 2016-kii ka soo bilowday Guachené oo 30 Kiilo mitir u jirta Cali, taa oo ujeedkeedu yahay inay caawiso 2,000 oo shaqsi.

8. Waa Goolhaye Daafac dhexe isku badelay

Mina ayaa waayihiisa kubbada cagta ka bilaabay Goolhaye, waana dhaqan soo jireen ka ahaa reerkiisa, balse wuxuu go’aansaday inuu booska badesho.

9. Waa ku guuleste Koobab:

Laacibka reer Colombia ayaa sii wada inuu noqdo laacib muhiim ah waxaana looga mahdinayaa midaa koobabka uu ku guuleystay.

Wuxuu ahaa Horyaalka Colombia ee 2014, wuxuu ku guuleystay Copa Sudamericana 2015, sidoo kale Palmeiras ayuu kula guuleystay Brasileirao 2016.

10: Wuxuu ka dambeeyaa Qoyskiisa iyo Saaxiibadiisa:

Qoyskiisa iyo Saaxiibadiisa waa qeyb muhiim ah oo ka tirsan Noloshiisa wuxuuna inta badan waqtigiisa banaanka garoonka la qaataa iyaga, isagoona taa ku muujiyay Sawirrada uu sida joogtada ah u soo dhigo Baraha Bulshada.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close