Real Madrid oo wadahadal kula jirta tababare CAAN ah si ay ugu badasho Zinedine Zidane

Perez Zidane

(Madrid) 11 Jan 2018 Waxaa soo muuqanaya in madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu go’aansaday inuu iska cayriyo Zinedine Zidane.

Kooxda ayaa lugaha la gashay xiliciyaareed kaan natiijooyin hooseeya iyo waliba hoos u dhac si baahsan ugu faafay ciyaartoyda kooxda.

Joachim Low

Madaxda kooxda ayaa xiriir la sameeyay tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Löw sida ay baahisay Sport.

Real Madrid ayaa waydiisay Joachim Löw suurogalnimada uu ku qaban karo shaqada kooxda reer Spain marka uu dhamaado koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka.

Joachim Löw ayaa kula jira xiriirka kubadda cagta Jarmalka heshiis dhacaya 2020, laakiin waxaa la ogsoonyahay inuu ka tagi doono shaqada xulka marka uu dhamaado koobka adduunka ee sanadkaan 2018.

Haddii Real Madrid ay ku guul daraysato soo xerogalinta Joachim Löw, waxay u weecan doonaan tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino.

Florentino Perez ayaa ka niyad jabay tababare Zidane, kadib markii uu ka hor yimid in xitaa kooxdu ay samayso hal saxiix suuqa bishaan Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close