“Messi waligiis qalbiga igama dilin, mana idhihin ha ii soo dirin….” – Eric Abidal oo beeniyay warkii laga faafiyay

Abidal Messi

(Barcelona) 11 Jan 2018 Daaficii hore ee Barcelona ayaa beeniyay war shalay la faafiyay kaas oo sheegayay in Messi uu si xun qalbiga uga dilay.

Eric Abidal ayaa sheegay in Marca ay leexisay waraysigiisa, isla markaana uusan waligiis ka taban hadal xun saaxiibkiis Lionel Messi.

Image result for Eric Abidal Messi

Waraysi uu bixiyay Eric Abidal ayaa lasheegay in Messi uu ku yiri ha ii soo dirin muuqaaladaada markii 2011 uu ka jiranaa beerka.

Eric Abidal ayaa sheegay in Lionel Messi uusan waligiis ku oran ha ii soo dirin muuqaaladaada, wuxuuna intaa ku daray inuusan waligiis kala kulmin laacibka reer Argentina hadal dhaawacaya isaga.

Abidal ayaa ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka:

“Cadayn: Messi waligiis ima dhaawicin, maalinna iguma dhihin ha ii soo dirin muuqaaladaada si aanan u arag”.

“Maalinna iguma dhihin hadal xun oo dhaawac leh, fariinteydu waa mid ku wajahan Pedrerol (Wariye) iyo barnaamijkiisa El Chiringuito”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close