Maxaa laga yiri Dhaawicii xalay garoonka looga saaray Wilshere kulankii Chelsea?

ww

(London) 11 Jan 2018. Jack Wilshere ayaa markale ka dhaawacmay canqowga kulankii xalay ee lugta hore ee Semi Final ka Carabao Cup ay Chelsea iyo Arsenal ku kala bexeen bar baraha goolal la’aanta ah.

Toban daqiiqo kaddib qeybta labaad ee ciyaarta ayuu dhaawacu gaaray laacibka reer England.

Kaddib markii uu dib ugu soo laabtay garoonka Wilshere ayaa sii wadan waayay ciyaarta isagoona dhulka fariistay waxaana lagu soo badelay Mohamed Elneny.

w

Tababare Arsene Wenger oo ka hadlay dhaawiciisa ayaa yiri:

“Waa murgacasho Canqowga ah waxa aan maqlay ilaa iminka.

“Miyaa la heli karaa kulanka Axada, ilaa intuu maqnaanayaa? Ma garanayo.”.

w1

Wuxuu ciyaaray 19-kulan tan iyo bishii September kolkaa uu ka soo laabtay dhaawac Canqowga ah uu ku maqnaa shan bilood.

Dhibaato ceynkan oo kale ah oo gaartay Wilshere ayuu uga maqnaa garoomada 47-kulan intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 2015-16.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close