Marcelo oo raacay isla wadadii Modric si uu uga fogaado inuu XABSI galo

Marcelo Modric

(Madrid) 11 Jan 2018 Daafaca reer Brazil ee Marcelo ayaa raacay wadadii saaxiibkiis Luka Modric si uu uga badbaado in xabsi la galiyo.

Modric ayaa go’aansaday inuusan wax dood ah la galin waaxda canshuuraadka Spain, wuxuuna ogolaaday lacag dhan hal milyan oo euro si uu uga badbaado inuu xabsi galo.

Bishii November ayuu qirtay Marcelo inuu lunsaday canshuur laga doonayay shirkado uu si hoose u abuuray kuwaas oo ku lug yeeshay xuquuqda iibka sawiradiisa.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Marcelo uu ogolaaday inuu la heshiiyo waaxda canshuurta isla markaana uu iska bixiyo lacag dhan 400 kun oo euro.

Laacibka ayaa ku xukuman in la xiro, balse wuxuu go’aansaday inuu bixiyo lacagtaas maalmaha soo socda si uu uga badbaado inuu galo xabsi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *