Liverpool oo wadahadal la furtay RB Leipzig si ay bishaan u hesho Naby Keita

Naby Keita

(Liverpool) 11 Jan 2018 Liverpool ayaa wadahadal la furtay kooxda horyaalka Jarmalka ee RB Leipzig si ay u hesho suuqa Janaayo laacibkeeda Naby Keita.

Reds ayaa bixisay suuqii xaggaaga qiimaha lagu burburin karo heshiiska Naby Keita ee kooxda RB Leipzig, labada kooxood ayaana isku afgartay in laacibku uu sanad kale u sii ciyaaro kooxda reer Jarmal.

Sida ay baahisay LiverpoolEcho, dad u dhaw tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay wadahadal la furayso RB Leipzig si ay u hesho Naby Keita bishaan Janaayo.

Liverpool ayaa iska iibisay Philippe Coutinho, kooxda ayaa u aragta in muhiim ay tahay inay hesho laacibkeeda Naby Keita si uu u buuxiyo booska.

Wadahadalada labada dhinac ayaa bilaabanaya dhamaadka isbuucaan, RB Leipzig ayaa la sheegay inay dalban doonto lacag dheeri ah haddii laacibku uu bishaan u dhaqaaqayo Anfield.

Naby Keita qudhiisa ayaa ku cadaadinaya kooxdiisa in isla bishaan loo ogolaado inuu u ciyaaro kooxdiisa cusub ee Liverpool.

“Ma jirto sabab nagu qasbaysa inaan haatan iska dirno Naby Keita, warka dhamaadkiisu waa sidaas” ayuu yiri tababaraha RB Leipzig oo ka hadlay in laacibku uu u dhaqaaqayo Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *