Inter Milan oo dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay Rafinha iyo Barcelona oo jawaab laga sugayo

Rafinha

(Milan) 11 Jan 2018 Inter Milan ayaa dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay laacibka Barcelona ee Rafinha sida uu baahiyay Gianluca Di Marzio.

Wariyaha Sky Italia ayaa daaha ka qaaday in Inter Milan ay maanta hordhigtay Barcelona dalab ay ku doonayso Rafinha suuqa kala iibsiga ee bishaan Janaayo.

rafinha-barcelona-2016-17_352z3sm1mj041k8rty6vg1pmc

Inter ayaa u gudbisay Barcelona heshiis amaah ah oo wax lacag ah aysan bixinayn inta ka harsan xiliciyaareed kaan, iyaga oo kadib si rasmi ah ula wada wareegaya haddii uu la qabsado kooxda.

Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in haatan Barcelona laga sugayo inay aqbasho dalabka, isla markaana labada kooxood ay si  rasmi ah iskula meel dhigaan heshiiska laacibku uu ugu wareegayo horyaalka talyaaniga.

Barcelona ayaa xaqiijisay in Rafinha uu caafimaad qabo, laakiin Inter ayaa iska hubin doonta xaalada laacibka marka uu marayo tijaabada caafimaadka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *