Henrikh Mkhitaryan + Lacag (Arag dalabka Man United ay ka gudbisay Alexis Sanchez)

Sanchez Mkhitaryan

(Manchester) 11 Jan 2018 Manchester United ayaa dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay weerar yahanka Arsenal ee Alexis Sanchez.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay ku dalbatay Alexis Sanchez lacag iyo  Henrikh Mkhitaryan, si laacibku uu uga soo weecdo wadada Man city.

Image result for Sanchez Man United Man City

Kooxda tababare Jose Mourinho ayaa diyaar la ah 25 milyan oo Ginni oo lagu daray  Henrikh Mkhitaryan, si Arsenal ay ugu qanciso iibka laacibkooda.

Sanchez ayaa horay ula gaaray Man City heshiis uu isbuucii ku qaadanayo 250 kun oo Ginni, balse Manchester United ayaa doonaysa inay farta ka saarto mushaar intaas ka badan.

Laakiin mushaarka  Henrikh Mkhitaryan oo ah 200 kun oo Ginni isbuucii ayaa laga yaabaa inuu caqabad ku noqdo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, maadama Arsenal aysan diyaar u ahayn inay bixiso mushaarkaas.

Maalmaha soo socda ayeey kala cadaan doontaa halka uu ka dagi doono Alexis Sanchez magaalada Manchester.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *