Gerard Pique oo ka hadlay wararka Umtiti la xiriirinaya Man City iyo Manchester United

Pique Umtiti

(Barcelona) 11 Jan 2018 Gerard Pique ayaa ka hadlay wararka Samuel Umtiti la xiriirinaya kooxaha magaalada Manchester oo tartan ugu jira daafaca reer France.

Bilowgii suuqa bishaan Janaayo ayaa la baahiyay in Man City ay la kulantay laacibka, isla markaan ay hordhigtay qorshihii uu uga soo dhaqaaqi lahaa Barcelona.

during the Premier League match at the Etihad Stadium, Manchester. PRESS ASSOCIATION Photo. Picture date: Thursday April 27, 2017. See PA story SOCCER Man City. Photo credit should read: Martin Rickett/PA Wire. RESTRICTIONS: EDITORIAL USE ONLY No use with unauthorised audio, video, data, fixture lists, club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications.

Sidoo kale, waxaa jiray warar kale oo sheegaya in tababare Jose Mourinho uu kula dagaalamayo Man City saxiixa daafaca reer France.

Balse Gerard Pique ayaa sheegay in Umtiti uusan meelna uga socon kooxdiisa Barcelona, wuxuuna yiri:

“Kama walwalsani waxa ay samaynayaan kooxaha kale ama aysan samaynayn, Umtiti waa laacib wayn, wuxuuna ku faraxsanyahay Barcelona” ayuu u sheegay Manchester Evening News.

“Waxaan filaynaa inuu sanado badan nala sii joogo, isla markaana uu nagula raaxaysto kubadda cagta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close