Tababaraha Roma oo xaqiijiyey in uu kulanka Inter ciyaari doono Nainggolan

Radja Nainggolan

(Rome) 10 Jan 2018. Tababaraha Roma Eusebio Di Francesco waxa uu xaqiijiyey in Radja Nainggolan uu ku soo bilaaban doono kulan Inter ee 21-ka Janaayo.

Nainggolan waxaa laga reebay safkii wajahay Atlanta oo ay Roma guuldarro kala kulantay waxaana lagu ganaaxay 100,000 kaddib markii uu soo dhigay muuqaal uu sarkhaansan yahay habeenkii loo dabaal dagayey curashada sanadka cusub.

Hase yeshee, tababaraha Roma waxa uu yiri: “Wax dhib ah kuma qabo Nainggolan.

“Radja wuu ku soo bilaaban doona kulanka Inter.”

Lugtii hore Roam jab 3-1 ah ayey kala kulantay wiilasha Luciano Spalletti   bishii Agoosto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close