Labo Koox oo ka tirsan Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya oo Magacyada iska badelay

h

(Muqdisho) 10 Jan 2018. Xog hoose oo ay heleyso Gool FM ayaa sheegeysa in markale horyaalka Soomaaliya lagu arki doono magacyo kooxeed oo aad u qiimo badan waana Madbacadda iyo Petrolka.

Kooxaha xilli ciyaareedkan ku soo biiray heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya FC Banaadir iyo Savaana ayaa dhexli doona magacyadaasi qadiimiga ah.

FC Banaadir ayaa la warinayaa inay ku ciyaari doonto Madbacadda halka Savaana ay iyana ku dheeli doonto Magaca Petroolka.

Masuuliyiinta labada kooxood ee Savaana iyo Banaadir FC ayaa inoo xaqiijiyay in wadahaladii u dambeeyay ay socdaan oo ku aadan in dib loo soo nooleeyo magacyadii laba ka mid ah kooxihii ugu awooda badnaa dalkeena.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya waxa ay horay u sheegeen in ay soo dhaweynayaan in dib ay usoo laabtaan kooxihii ugu awooda badnaa dalkeena Soomaaliya.

Sikastaba bahweynta Isboortiga ayaa si weyn u hadal haya arinkaan, iyagoo sheegay in ay tahay guul weyn.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close