Halyey soo aray Liverpool oo geeriyooday

dd2fd013f69e74c598c5161c4d8aaa08

(Liverpool) 10 Jan 2018. Goolwalihii hore ee Liverpool Tommy Lawrence  ayaa geeriyooday isaga oo jira 77 sano.

Scotish-ka oo dalkiisa saddex koob la qaaday ayaa ahaa dookha kowaad ee Bill Shankly   sanadihii lixdameeyadii.

Lawrence waxa uu qandaraas rasmi ah u saxiixay Reds 1957 xilli uu u dabaal dagayey dhalashadiisii 17-aad.

Waxa uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay Liverpool 1962 shan sano kaddib markii uu ku soo biiray waxa uuna laf dhabar ka noqday kooxdii Shankly.

Intii uu ku soo sugnaa Reds waxa uu la qaaday laba horyaal iyo FA Cup-ka markoodii ugu horreeyey.

Waxa uu ka tagay 1971 Anfield isaga oo uga biiray Tranmere Rovers.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close