Carlo Ancelotti oo markale lala xiriiriyay Arsenal si uu badal ugu noqdo Arsene Wenger

Ancelotti

(London) 10 Jan 2018 Tababaraha reer talyaani ee Carlo Ancelotti ayaa markale lala xiriiriyay inuu badal u noqon doono Arsene Wenger.

Evening Standard ayaa daaha ka qaaday in Arsenal ay diirada saaratay tababare Carlo Ancelotti si ay ugu buuxiso booska Arsene Wenger haddii uu baxo dhamaadka xiliciyaareed kaan.

 Arsene Wenger could be waving goodbye to Arsenal in the summer

Arsene Wenger ayaa u saxiixay kooxdiisa heshiis 2-sano ah xaggaagii, laakiin maamulka kooxda ayaa ka cabsi qaba inuu baxo.

Taageerayaasha Arsenal ayaa dalbaday in kooxda laga cayriyo tababare Arsene Wenger kadib guul daradii ka soo gaartay Nottingham Forest koobka FA Cup-ka axadii.

Maamulka kooxda ayaa si dhab ah u indha indheynaya tababareyaasha badalka u noqon kara Arsene Wenger haddii uu kooxda ka tago dhamaadka xiliciyaareed kaan, Carlo Ancelotti ayaana ku jira liiska.

Kooxda ayaa rajaynaysa inaan isbadal wayn laga dareemin haddii uu baxo Wenger, waxayna ka cabsi qabaan inay ku dhacdo mashaqadii United ay lugaha la gashay markii uu ka tagay Ferguson.

Bilowgii xiliciyaareed kaan ayaa Carlo Ancelotti laga cayriyay shaqada kooxda Bayern Munich, tababaraha ayaa ilaa haatan aan wax heshiis ah la galin koox, balse waxaa la filayaa inuu dib u soo rogaal celiyo xiliciyaareedka dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close